Federico Valverde Oo Ka Jawaabay Dalabkii Ay Liverpool Ka Gudbisay Saxiixiisa.

0
64

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Federico Valverde ayaa meesha ka saaray inuu ka tagayo kooxdiisa xagaagan, xilli lala xiriirinayo kooxaha Chelsea iyo Liverpool.

Mustqbalka Valverde ee Real Madrid ayaa su’aal la galiyay iyada oo kooxdu la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham.

Real Madrid ayaa Bellingham kala soo saxiixatay Dortmund suuqa xagaagan iyaga oo ka soo bixiyay lacag dhan 115 milyan oo euro.

Liverpool ayaa xitaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Valverde si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda.

Valverde ayaa haatan ka jawaabay xiisaha iyo Dalabka Liverpool xilli uu xulka qarankiisa kala qayb galayo waajibaadka xulka qarankiisa.

24-sano jirkaan ayaa u sheegay ESPN Argentina: “Maya, maya – waxaan joogaa Real Madrid, waxa aan ku raaxaysanayaa qaab ciyaareedkayga waxan aan doonayaa in aan saamayn ku yeesho kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here