Faransiiska: Gabdho Iskuulka lagasoo celiyay kadib markii ay ku adkeysteen in ay cabaayado ku tagaan

0
115

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tobaneeyo gabdhood ayaa laga soo celiyay iskuul ku yaala dalka Faransiiska kadib markii ay ku adkeysteen xirashada cabaayadaha asturaadda hablaha Muslimiinta ah.

Dowladda Faransiiska ayaa bishii hore ku dhawaaqday in xirashada cabaayadaha laga mamnuuci doono dhammaan iskuullada, iyadoo ku doodday inay jabinayaan shuruucda ku aaddan in waxbarashadu ahaato mid diin ka madhan.

khimaarka ayaa horeyba loo mamnuucay, iyadoo loo cuskanayo inuu muujinayo xiriir diimeed.

Maalinta Isniinta ayaa ahayd maalintii ugu horeysay ee sanad dugsiyeedka, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Faransiiskuna, ku dhawaad saddex boqol oo gabdhood ayaa cabaayado ku yimid iskuulada, inkastoo intooda badan ay ogolaadeen in ay iska bedelaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here