Fanaanad qaaday in ka badan 30 kun oo heesood oo geeriyootay.

0
269

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lata Mangeshkar, ayaa maanta ku ku geeriyootay Mumbai iyadoo 92 jir ah, waxay ahayd halyeyad ku xeel dheer hidaha iyo dhaqanka Hindiga waxay sidoo kale ahayd hanti qaran oo ku soo caanbaxday aflaanta Bollywood-ka – inkastoo ay dhab ahaantii ka soo muuqatay shaashadaha filimaan fara ku tiris ah.

Xiddigta sida qadiimiga ah loo tababaray ayaa caan ka noqotay fanka Hindiya ee sida xawliga ah ku socda, iyadoo noqotay heesaa, oo codka heesa ah siin jirtay jilayaasha aflaamta Bollywood-ka muddada ay soo jirtay oo ahayd in ka badan nus qarni.

Muddo tobanaan sano ah, Lata Mangashkar waxay ahayd fannaanka loogu doonista badan yahay waddankaas, iyadoo atariisho kasta oo sarena ay doonaysay inay qaado heesahooda.

Dhanka kale, waxay qaadday ilaa 30,000 oo heesood oo ka kooban noocyo badan kuwaas oo isugu jira 36 luqadood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here