Fanaan Cabdi Tahliil Warsame oo ku geeriyooday Muqdisho, laguna aasay.

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Cabdi Tahliil Warsame ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu in muddo ahba ku xanuusanaa.

Sannadkii 1952 ayuu marxuumka ku dhashay Wardheer. Aabihii Tahliil Warsame Cigaal wuxuu ka mid ahaa ciidammadii xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdi wuxuu fanka ku billaabay inuu Giitaar tumo.

Isaga oo weli barta balse aan darajo fiican ka gaarin ayuu dhammaadka sannadkii 1968 waxa uu markii koowaad qaaday heesta.

Waxaa heestaasi allifay Sulub Cumar Axmed oo lagu xasuusato qisooyinka faneed ee jacaylka salka ku haya ee suugaanta Soomaalidu in badan ay tebisay.

Waxaana ugu xigay shan hees oo uu dhammanatood isaga laxameeyay midkastana ay caan noqotay kuwaasi oo kala ah:

  • Onkod
  • Xoodaamo
  • Yaxyax
  • Wardheer
  • Gaaraabidhaan

Cabdi Tahliil Warsame , isaga oo fannaan ah, ayuu sannadkii 1971 oo ahayd markii ugu horreysay ee la furay tartankii heesaha hirgalay wuxuu ka mid noqday fannaaniintii lagu furay tartankaasi. Fannaaniinta kale ee kala qeyb qaadatay tartankaasi waxaa ka mid ahaa; Cumar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Xasan Aadan Samatar , Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle, Muxsin Maxamed Cabdalle oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray iyo Ruqiya Cali Guutaale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu aasay Allaha unaxariiste fanaan Cabdi Tahliil Warsame , muddo sannado ah ku xanuunsana magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here