Facebook oo hanjabaad u dirtay macaamiisheeda

0
308

Facebook ayaa ku hanjabay in macaamiishiisa ku sugan Australia uu ka mamnuuci doono inay warka iskula wadaagaan bartaasi, xilli uu diyaarinayo sharci cusub oo ku qasbaya inuu lacag ku bixiyo warbixinnada ay macaamiishu ku soo daabacaan barta.

Hay`adaha maamula shirkadaha ayaa ka doonaya shirkadaha sida Facebook iyo Google inay lacag ku bixiyaan warbixinnada dib loo daabaco.

Bishii la soo dhaafay Google ayaa macaamiishiisa uga digay in taasi ay ka dhalan karto in adeegyadiisa wax baaritaanka ay ka sii daraan.

Tallaabadan ugu dambeysay ee Facebook ee lagu mamnuucayo in warka la iskula wadaago bartaas ayaa xiisad ka dhex dhalisay shirkadaha teknolojiyadda iyo hay`adaha maamula.

Facebook waxay sheegtay in haddii sharcigan cusub la dhaqan geliyo ay ka joojin doonto dadka ku nool Australia inay warka iskula wadaagaan bartaas iyo barta kale ee ay maamusho ee Instagram.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here