Fabio Cannavaro Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedka.

0
333

Daafacii hore ee xulka qaranka Italy ee Fabio Cannavaro ayaa kooxda chelsea u saadaaliyay ku guulaysiga champions league xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa bar-baro la gashay kooxda Zenit iyaga oo 3/3 ku dhaafi waayay kooxda reer Russia waxana ay haatan ku aadi kartaa kooxaha waaweyn ee ku soo baxay kaalinta 1-aad wareega 15-ka.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa sidoo kale kulamadii ugu dambeeyay ku jirta qaab ciyaareed xun ku jirta laakiin Cannavaro ayaa aaminsan in ay chelsea difaacan karto champions League xilli ciyaareedkan.

“Waxaan u maleynayaa in Chelsea ay sameyn karto (difaacan karto champions League”,

“Waxa ay haystaan tababare cajiib ah iyo waliba koox fiican”.

“Real Madrid waxa ay sameysay seddex sano oo xiriir ah, taasoo guul taariikhi ah u aheyd kooxda iyo Zidane, laakiin si aad ugu guuleysato Champions League, waxaad u baahan tahay waxyaabo badan, kooxda chelsea ayaana u hubaysan sidii ay ugu guulaysan lahaydn”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here