FA Cup-ka & Guud ahaan natiijooyinka kulammadii laga ciyaaray tartankan

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa iska xaadiriyey wareegga afaraad ee FA Cup-ka kaddib markii ay guulo gaareen kulammadii ay maanta ciyaareen.

Chelsea ayaa 4-0 ku xaaqday kooxda yar ee Morecambe, waxaana Blues afarta gool u kala dhaliyey afarteeda ciyaaryahan ee Mason Mount, Timo Werner, Callum Hudson-Odoi iyo Kai Havertz.

Dhinaca kale Manchester City ayaa dhankeeda waxa ay 3-0 uga adkaatay Birmingham City, waxaana labo ka mid ah goolshan u dhaliyey Sky Blues, Bernardo Silva, halka goolka kale uu raacsaday Phil Foden.

Chelsea iyo Manchester City ayaana iska xaadiriyey wareegga afaraad ee tartanka FA Cup.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan natiijooyinka kulammadii laga ciyaaray wareegga saddexaad ee FA Cup-ka:-

FT Barnsley 2-0 Tranmere Rovers

FT Bristol City 2-1 Portsmouth

FT Chelsea 4-0 Morecambe

AET Cheltenham Town 2-1 Mansfield Town

FT Crawley Town 3-0 Leeds United

FT Manchester City 3-0 Birmingham City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here