Everton oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Liverpool garoonkeeda Anfield

0
225

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Everton ayaa saddexda dhibcood kaga soo qaadatay kooxda Liverpool garoonkeeda Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2 kulankii adkaa ee Merseyside derby, kaasoo qeyb ka ahaa kulammada toddobaadkan ee Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Everton.

Daqiiqadii 3-aad kooxda kubadda cagta Everton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda reer Brazil ee Richarlison, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis James Rodriguez.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

83 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd kooxda Everton ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Gylfi Sigurdsson, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 0-2 ay ku hoggaaminayeen wiilasha Carlo Ancelotti.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 oo ay Everton kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, Reds ayaa wali fadhisa booska 6-aad iyadoo leh 40 dhibcood, halka Everton oo iyadana leh 40 dhibcood ay ku jirto booska 7-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here