Erling Haaland Oo Diyaarad Khaas Ah Oo Uu Kaga Tegay Manchester

0
265

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa ka degay magaalada Manchester oo uu kula kulmi doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Man City kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu u saxeexay Etihad Stadium.

21 jirkan ayaa diyaarad khaas ah kasoo qaatay magaalada Barcelona ee waddanka Spain oo uu ku sugnaa, iyadoo waqti hore oo maanta ah lagu arkay isaga oo ku sugan garoonka diyaaraha ee Barcelona, halkaas oo ay taageereyaal kula kulmay kaga dalbanayeen saxeex iyo inuu sawir la galo, halka warbaahintuna ay kaamirooyinka la garab yaacayeen.

Laacibkan oo ay Manchester City £51 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Borussia Dortmund, ayaa baadhitaan kale oo caafimaadka ah ku maray waddanka Spain ka hor intii aanu u duulin UK oo uu ka bilaabo doono cutubka cusub ee xirfaddiisa kubadda cagta.

Laba sannadood iyo badh uu u ciyaaray Borussia Dortmund oo uu ku kasbaday in loogu yeedho magaca ‘Mishiinka Goolasha’ ayaa waxa uu si degdeg ah ula kulmi doonaa ciyaartoyda kooxdiisa cusub ee Manchester City iyo tababare Pep Guardiola.

Haaland ayaa waxa uu intaas kaddib ku laaban doonaa waddankiisa Norway oo uu ka bilaabi doono tababarka xulka qarankiisa ee isku diyaarinaya kulamada UEFA Nations League ee horraanta bisha dambe ee June bilaabmi doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here