Erik Ten Hag Oo Loo Sheegay In Uu U Dhaqaaqo Xiddig U Ciyaara Chelsea.

0
234

Marco van Basten ayaa ku booriyay Erik ten Hag inuu ka dhigo garabka Chelsea Hakim Ziyech mid ka mid ah saxiixyadiisii ​​​​ugu horreeyay ee Man United.

Ten Hag ayaa haatanba shaqada Old Trafford ka bilaabay maalmo uun ka dib markii uu horyaalka Eredivisie ku soo gabagabeeyay Ajax, isagoo ku adkeystay in la joogo waqtigii la bedeli lahaa Red Devils.

Iyada oo Ten Hag doonayo in uu saamayn ku yeesho Man United, Halyeeyga reer Holland ee Van Basten, ayaa Ten Hag u sheegay in uu la soo saxiixdo xiddigiisii hore ee Hakim Ziyech suuqa xagaaga.

Ziyech ayaa muhiim u ahaa kooxda Ajax iyo Ten Hag markii uu xiddigu joogay kooxda reer Holland ka hor intii uuna ku biirin Chelsea sanadkii 2018.

Xiddiga Ziyech ayaa chelsea kula guulaystay 3 koob kuwaas oo kala ah Champions League, UEFA Super Cup & Club World Cup laakiin waxa uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 29 jirka ah ayaan haatan ku jirin qorshaha Tuchel waxana uu Van Basten u sheegay Ten Hag in uu dib ula midoobo xiddigiisii hore si uu u caawiyo.

Van Basten oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan aaminsanahay in uu Ten Hag saxiixyadiisa ugu horeeya ka dhigo Ziyech oo haatanba ka ciyaara Englad, sababta oo ah waa xiddig aad u fiican”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here