Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsanaa Libiya oo iscasilay

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibiya ayaa xilkaasi iska casilaya sababa u ku tilmaamay in xaaladiisa caafimaad ay dhibaato ku keeneyso in dalkan waqooyiga Afrika ku yaala uu nebadgelyo ku soo dabbaalo.

Ghassan Salame, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay “xaaladdayda caafimaad ima suura gelinayso in aan xamilo welwel intan la eg”.

Wadahadalada u dhexeya dowladda ay dabada ka riixayso Qaramada midoobay ee ka howlgasha casimada Tripoli, iyo ciddamada daacada u ah jeneraal Khalifa Haftar ayaa burburay heshiis ay horay u gaaren.

Libya waxaa ragaadiyay colaado tan iyo kacdoonkii sanadkii 2011 ee xididdada loogu siibay ninkii adkaa ee Muammar Gaddaf.

Isbuuci aynu soo dhafnay Mr salame ayaa ergada Dowladda iyo ciddamada uu hogaaminayo Jeneraal Haftar isugu keenay Geneva, si ay u yeeshan wadahadalo nabadda, balse labada dhinac ayaa dib u dhigay ka qayb qadashadada wadahadaladaasi.

Mr Salame ayaa bartiisa twitterka ku qoray “in labo sano waxaan isku dayay in aan wada mideeyo reer Liibiya kana ilaaliyo farogelin shisheeye sidoo kalena ay ilaaliyaan midnimada dalkooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here