Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in tallaalka uu soo saari doono dalkiisa la siin doono dhammaan adduunka

0
211

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu sameynayo tallaalka gaar ah oo looga hortaggayo cudurka Covid-19.

Wuxuu sheegay in tallaalka marka uu diyaar noqdo la siin doono dhammaan banii’aadanka isla markaana aanan cidna laga tegi doonin marka lasoo saaro tallaalka uu sameynayo Turkiga.

“Waxaan tallaalkeenna siin doonaa dhammaan banii’aadanka iyadoo la raacayo mabda’a ah in aanan cid laga tegi doono marka xarigga laga jaro tallaalka” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in tallaalka ay soo saari doonaan sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here