Eduardo Camavinga Oo Kooxdiisa Rennes Ku War Galiyay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Kadib Xiisihii Real Madrid.

0
229

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Rennes kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kadib xiisihii uga yimid kooxaha waaweyn ee reer yurub.

Eduardo Camavinga ayaa ka mid ah xiddigaha haatan wacdaraha dhigaya isaga oo soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga Eduardo Camavinga maamulka kooxdiisa Rennes u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

Eduardo Camavinga ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha ay ugu horayso Real Madrid iyada oo uu Zidane si aad ah u doonayo xiddiga khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here