Edinson Cavani oo PSG u dhaliyay goolkiisii 200-aad

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Weeraryanka kooxda Paris Saint-Germain, Edinson Gavani ayaa dhaliyay goolkiisii 200-aad inta uu joogay kooxda, kaddib hal gool uu ka dhliyay kulankii xalay ay kooxsdiisu la cayartay Bordeaux.

Xidigga reer Uruguay oo u dabbaal-degaya dhalashadiisa 33-aad bishan ayaa PSG u dhaliyay gool bareejo ah daqiiqadii 25-aad kaddib markii uu madaxa lahelay kubbad uu soo karoosay Angel Di Maria.

Waxay aheyd goolkiisa 7-aad ee xagaagan, waana ciyaartoyda aadka ugu dhow tababare Thomas Tuchel.

Cavani ayaa PSG uga soo biiray kooxda reer Talyaani ee Napoli 2013-kii.

Wuxuu noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya PSG 2018-kii, kaddib markii uu ka sara maray rikoorkii 156 gool ee u yaallay Zlatan Ibrahimovic.

Arlaadi Radio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here