Eden Hazard Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Isaga Diiday Dalabyadii U Yimid Suuqa Xagaagan Si Uu Uga Tago Real.

0
178

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday sababihii uu u diiday dalabyadii uga imanayay Si uu uga tago kooxda Suuqa xagaagan.

Real Madrid ayaa heshay dalabyo badan oo looga doonayo saxiixa xiddiga Hazard xilli ay Los Blancos xitaa ogolaatay dalabyadaas.

Laakiin Hazard ayaa iska diiday dalab kasta oo u imanayay isaga oo ku adkaystay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Real Madrid.

“Diidista dalabyadii ii yimid? Waxa aan doonaya in aan Real madrid tuso waxa aan samayn karo, taas ayaana ahayd sababta kaliya ee aan ku diiday dalabyadii ii imanayay?ayuu Hazard yidhi.

“Kaliya waxaan rabaa inaan muujiyo waxa aan ku sameyn karo garoonka dhexdiisa, taasi waa bartilmaameedkeyga kaliya”.

“Waxa aan u faraxsanaa taageerayaasha iyo xiddigaha kooxda dartood laakiin anigu waxa aan is lahaa, maad ciyaarin kulamo kugu filan, sidaas darteed waa in aan cid walba u muujiyo waxa aan samayn karo”ayuuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here