Duullimaadyada Gudaha Dalka oo Maanta Dib U Billowday

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Maanta oo Axad ah waxaa si rasmi ah u billowday duulimaadyada gudaha dalka oo u xirnaa saddexdii bilood ee aynu soo dhaafnay xanuunka COVID19 awgii.

Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dib loogu furay garoonka taas oo ay goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka, Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay dib u bilaabashada duullimaadyada rayidka ee gudaha dalka ayaa sheegay in ay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaalla maadaama ay weli jirto halistii caafimaadee cudurka Karoona Feyras.

Maamul goboleed walba ayaa la go’aamiyay in maalintii uu u duulo hal duullimaad.

Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumadda ay yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu oggolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka dadweynaha iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ilaa iyo haatan diiwaan-gelisay 2900 oo kiis oo ah xanuunka COVID19 halka 92 qofina ay u geeriyootay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here