Duufaanta “Fiona” oo khasaare ba’an ka geysatay xeebaha bari ee Canada.

0
155

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Duufaanta Fiona ayaa khasaare ka geysatay xeebaha bari ee Canada iyadoo ay ka dhalatay roobab mahiigaan ah iyo duufaanno la socday. Xaalad deg deg ah ayaasidoo kale meelaha qaar lagu soo rogay.

Magaalada xeebta ku taal ee Port Obasque ee gobolka Newfoundland ayay saamaysay, si la mid ah gobolka Labrador, halkaas oo guryo badan ay burburiyeen dabaylo xooggan. Booliiska ayaa horey u soo saaray awaamiir ku wajahan dadka deegaanka inay ka baxaan aagagga khatarta ah.

Magaalada Nova Scotia, sidoo kale, duufaantu waxay rogtay saqafyadii iyo baalihii korontada, waxay rujisay geedo, kuwaasi oo jidadka daad san.

Wariyeyaal ku sugan goobtaasi ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal muujinaya burburka ballaaran ee soo gaaray hantida dadweynaha iyo guryaha kadib duufaanta Fiona oo ku dhufatay gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here