Dufaan ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Duufaan ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Mareykanka dabeylo xooggan iyo daadad ayaa qaaday inta badan gur yihiin ku yaalla xeebaha Koonfur Galbeed ee gobolkaasi.

Barasaabka gobolka Florida, Ron de Santis, ayaa sheegay in duufaantu ay sare u kacday in ka badan saddex mitir iyo bar meelaha qaar.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa koronto la’aan soo food saartay kadib markii ay sameysay duufaanta.

Maamulka gobolka Florida ayaa sheegay in khasaaraha rasmiga ilaa hadda loo ogeyn basle laga cabsi qabo in duufaanta ay sii socon doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here