Dowladda UK oo dib u dajin u sameyneysa dad u dhashay dalka Afghanistan

0
324

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno.

In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas.

Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay “sax tahay” in la dedejiyo qorshooyiinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here