Dowladda Turkiga oo agab caafimaad soo gaarsiiyay Soomaaliya

0
348

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasiirrada Caafimaadka iyo Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya iyo Dan-jiraha Turkiga u qaabilsan Somaaliya ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen waxa ay ku faahfaahiyeen gurmad caafimaad oo uu Turkiga soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Fawsiya Abiikar Nuur ayaa Dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu mahad celisay garab istaagooda Soomaaliya oo ku jirta xaalad ay kaga hortageyso wax ka qabashada cudurka COVID-19.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa isna soo hadal qaaday fatahaadda iyo daadadka, waxaana uu sheegay in dowladdu aya dadaal ugu jirto wax ka qabashada dhibaatadaas.

Mehmet Yilmaaz, Dan-jiraha Turkiga ayaa dhankiisa sheegay Dowladdooda ay garab taagan tahay Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Korona feyras uu dhibaato ku hayo caalamka.

“Dowladda Turkiga waxaa ka go’an garabsiinta Soomaaliya si loosoo afjaro musiibooyinka, waana tan keentay in gurmad aan keenno si wax loogu qabto dadka u baahan, baahida ugu weyn waa daboolista duruufaha iyo helista qalabka ku filan sida Kan Hawada ama neefta dadka siiya, agabka ay isticmaalayaan howlwadeenada” ayuu yiri Mehmet Yilmaz.

Danjiraha ayaa sheegay in sidoo kale maalmaha soo socda gurmad kale ay keenayaan Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si gaar ah carrabka ugu dhuftay in dhowaan ay keenayaan gurmadkale oo ay ku jiraan waxyaabaha hadda baahida weyn loo qabo sida mishiinka neefsashada, sariirro iyo qalabka looga gaashaanto feyraska oo ay xirtaan howl-wadeennada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here