Dowladda Talyaaniga oo soo bandhigtay tirada dadka uga dhimatay cudurka karoona.

0
257

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Talyaaniga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee ka tirdsan Midowga Yurub ee diiwaangeliya in ka badan 30,000 oo ah dhimasho la xiriira cudurka coronavirus.

Shalay oo Jimce ahayd waxaa la shaaciyay 243 oo dhimasho cusub ah, halka maalintii ka horreysay ay dalkaasi ku dhinteen 274. Tiradan cusub ayaa tirada guud ee dhimashada cudurkaasi ka dhigeyso 30,201.

Tirada maalinlaha ah ee kiisaska cusub ee la xaqiijiyay ayaa wax yar hoos uga dhacday 1,327, taasi oo ka dhigeysa tirada guud ee dadka uu cudurka ku dhacay 217,185 oo oqf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here