Dowladda Soomaaliyaa oo sheegtay in la kordhinayo goobaha lagu baaro COVID-19

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)-RW Xasan Cali Khayre oo shir guddoominayay kulanka joogtada ah oo ay khadka internetka ku yeeshaan Guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19, waxa uu xubnaha guddigaas kala hadlay sida loo kordhin karo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyay Korona feyras.

Guddiga ayaa laga dhageystay warbixin ku aaddan kiisaska cudurka ee dalka laga helay, waxaana ay dhankooda soo jeediyeen in la kordhiyo goobaha lagu baaro cudurka.

Khayre ayaa sheegay in dhowaan la kordhinayo goobaha baarista si loo xakameeyo xanuunka dilaaga ah ee Covid-19, kaas oo hadda Soomaaliya laga helay in ka badan 700 oo kiis, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ra’iisal wasaaruhu ma uusan cayimin waqtiga rasmiga ah ee la kordhinayo goobaha baarista.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa kaliya hadda dadka looga shakiyo cudurka ku baarta Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here