Dowladda Soomaaliya Oo UNICEF Kala Hadashay Sii Wadista Gurmadka Abaaraha.

0
137

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha UNICEF ee Barnaamijyada Degdegga ah mudane Manuel Fontaine.

U jeedka kulanka ayaa ahaa is xog wareysi ku aaddan xogta abaaraha baahsan ee jira dalka, sida dhinacyadu isaga kaashan karaan dardargelinta iyo xoojinta howlaha gurmadka abaaraha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga iyo u qareemidda dadka ay abaartu saameysay.

Manuel Fontaine wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay UNICEF iyo hay’adaha kale ee la howlgala sii wadista taageerada dadka abaaruhu saameeyeen ee nafaqa-darrida la daalaa-dhacaya ee carruurta haweenka iyo dadka da’da ah ugu horreeyaan.

Ergeyga ayaa ka mahad-celiya howlaha garkaarka ee UNICEF, isagoo Mr. Fontaine ku booriyay booqashadiisa Soomaaliya kana codsaday in la xoojiyo howlaha gargaarka bani’aadannimo ee sida degdegga ah loogu baahan yahay.

dowladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gurmadka abaaraha.dowladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gurmadka abaaraha.dowladda soomaaliya oo unicef kala hadashay sii wadista gurmadka abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here