Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in kiisas cusub oo cudurka karoona feyris la diwaangeliyay

0
313

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu tahay 11 May 2020, la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan.
Gobolka Banadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.
Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo inaan awoodeena u mideyno sidii aan u xakameyn laheyn caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda.
Sidii caadada ahayd wasiirka ayaa bulshada u sharaxday qaababka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareenta bixidda ama aadista meelaha dadka faraha badan isugu yimaadaan iyo xirashada af-xirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here