Dowladda Soomaaliya oo kordhineysa sheybaarrada lagu baaro COVID-19

0
297

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxa ay diiradda ku saareen xaaladah cudurka iyo saameyntiisa dalka.

Kulanka guddiga oo ahaa mid lagu qabtay mareegta Internetka ayaa waxaa shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre, waxaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa adeegyada shaybaarka si dad ka badan kuwa hadda lagu baaro baaris lagu sameeyo una fududaato howsa baarista bukaannada looga shakiyay xanuunka.

Xubnaha ka qeyb galayey shirka kana mid ahaa guddiga ayaa talo ahaan u soo jeediyay in la dardar geliyo howshan, maadaama maalinba tan ka dambeysa uu cudurku dad badan soo ridanayo.

Waxaa si weyn loogu falanqeeyay sida loo kordhin karo sheybaarrada lagu baaro feyraska si shaqadu u fududaato taas oo wax badan ka tari karta shaqada Wasaaradda Caafimaadka dalka iyo howl-wadeennada caafimaadka, kuwaas oo dagaal kula jira xakameynta cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here