Dowladda Soomaaliya Oo Heshiis Deyn Cafin Ah La Saxiixatay Saddex Dal

0
233

Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiisyada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga ParisĀ  ā€œParis Clubā€.

Saxiixaan ayaa daba socda goā€™aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka Mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay, waxaana dowladda ay heshiiska la saxiixatayĀ  Ingiriisk, Denmark iyo Netherlands.

ā€œIsu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million oo doolarka Mareykankaā€ ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaal xoog oo ku aadan Arrimaha deyn cafinta dalka, isla markaana waxaa xusid mudan in dowladda horey looga Cafiyay lacago aad u badan oo deyn ahaa loogu lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here