Dowladda Sacuudiga oo xabsiga dhigtay 17,000 oo qof oo doonayay in ay xajiyaan

0
189

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wargeyska Saudi Gazette oo soo xiganayay madaxa guddiga amniga ee arrimaha Xajka ee sanadkan, Lt. Gen. Muhammad Al Bassami ayaa sharraxay arrintan, isagoo sheegay in 9,509 ka mid ah ay yihiin dad ku xad-gudbay fiisaha shaqada iyo sharciga degenaanshaha dalka.

Waxa uu sheegay in 33-ruux oo lagu tuhmay in ay dadka hor kacayeen iyaga oo aan fasax ka heysan maamulada dalka ka jira.

Al-Bassami ayaa sheegay in sidoo kale maamulka dalka ay gacanta ku dhigeen 202,999-qof oo isku dayay in ay dalka soo galaan si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka iyagoon fasax u haysan.

Madaxa guddiga amniga Xajka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay askarta sida geesinimada leh ee ay u gudanayaan howshan muhiimka ah ee xirfadooda shaqo.

Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya in qofkasta oo ku nool dalkaasi uu fasax ka raadsado mas’uuliyiinta haddii uu doonayo inuu xajka soo guto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here