Dowladda Sacuudiga oo joojisay kalafogaanshaha safafka Salaada ee Xaramka.

0
294

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in labada Xaram ee Makka iyo Madiina laga joojiyay kalafogaanshaha safafka salaada oo xiligii Corona uu aadka u darnaa la bilaabay.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in qof kasta oo ku sugan Xaramka looga baahan yahay inuu xirto afxirka ama l Face mask si looga hortago cudurka karoona feyris.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa xayiraad lagu soo rogay dadka muslimiinta ee doonayay inay soo xajiyaan gaar ahaan kuwa ka imanaya dalalka caalamka, waxana loo ogoladay sannadkii la soo dhaafay 60 kun oo ruux oo ku nool gudaha Sacuudiga.

Sannad kasta waxaa xajin jirtay ku dhawaad 2 malyan oo ka kala imaan jirtay dunida daafaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here