Dowladda Qatar oo dhanka Biyaha ka taageeraysa Soomaaliya

0
298

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Nuur  ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Qatar Charity oo uu hoggaaminayay wakiilka Hay’adaasi ee Soomaaliya mudane Cabdinuur Xaaji Cali, waxaana ay kawada hadleen horumarinta biyaha dalka iyo arrimo kale.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta Marwo Shukri Maxmuud Afrax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, La taliyaasha dhanka Biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Tamarta.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda Qatar Charity ayaa ka wada Hadlay arrimaha horumarinta Biyaha Dalka iyo siddii ay gacan buuxda uga geysan lahayd Hay’adda hirgalinta Ceel Biyoodyo laga qodo goobaha biyo yarida ay ka jiraan, iyaddoo Wasaaradda ay qaadaneyso doorkeeda ah in ay hagto goobaha laga fulinayo Mashaariicda horumarinta Biyaha.

Xubnaha ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa aad u boggaadiyay kulanka ay la yeesheen Madaxda Wasaaradda Tamarta, waxayna ku amaaneen  sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka tabaaleysan ee u baahan in ay helaan Biyo nadiif ah oo ku Filan, Kan hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha Wasaaradda uga degsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyaddoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso Hay’addu ku Hawl gali doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here