Dowladda Mareykanka oo magangalyo siineysa qaxootiga dalka Ukraine

0
289

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay qaabili doonaan 100 kun oo ka mid ahaa qaxootiga ka soo cararaya colaada ka aloosan dalka Ukraine.

“Maanta, waxaan ku dhawaaqay in Maraykanku uu soo dhaweynayo ilaa 100,000 Yukreeniyaan ah iyo kuwa kale oo ka qaxaya duulanka Ruushka, Waxaan diirada saarnay midaynta qoysaska iyo inaan siino gabaad kuwa ay dhibaatadu soo gaartay”ayuu yiri Joe Biden.

In ka badan 2 malyan oo ruux oo ka mid ah shacabka dalka Ukraine ayaa ka qaxay dalkooda kuwaasoo hadda qaarkood ku sugan dalka Dariska la ah ee Poland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here