Dowladda Mareykanka oo ansixisay adeegsiga tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19

0
216

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay adeegsiga tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19 ka dib markii Saraakiisha Caafimaadka Mareykanka ay soo jeediyeen in ay muhiim tahay in la helo talaal.

Dadka ku sugan Mareykanka ee uu saameeyay cudurka COVID 19 ayaa lagu waddaa in ay bilaabaan qaadashadiisa talaalkaan todobaadka soo socda.

Hey’adda Cuntada iyo Dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa shaacisay tallaalkaan waxaana hadda bilaabmaya daabulista dawada tallaalkan oo ay sameyntiisa iska kaashadeen shirkadaha dawada farsameeya ee kala ah Pfizer oo Mareykan ah iyo shirkadda BioTech oo laga leeyahayJarmalka.

Tallaalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay aad u sii kordhayaan kiisaska dadka Mareykanka ugu dhimanayo cudurka Covid-19.

Cel celis ahaan hadda waxaa maalintiiba Mareykanka ugu dhinta xanuunkan 3,000 oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here