Dowladda Kenya oo joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray Hindiya

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Baarayaal ayaa Kenya ka helay illaa shan kiis oo ah fayraska dadka aadka u badan ay ugu dhammaanayaan hindiya ee COVID Variant.

Wasaaradda caafimaadka Kenya waxay sheegtay in baaritaanka kiisaskan la sameeyay ka hor intii aan la mamnuucin diyaaradaha ka yimaada Hindiya.

Shanta kiis ee la helay waa dad ka shaqeynayay warshad bacriminta sameysa oo ku taalla galbeedka Kenya.

Dalka Hindiya waxaa hadda ka taagan xaalad aad u xun oo uu ku hayo nooca cusub ee cudurka Covid-19. Waxaana maalin kasta laba soo sheegaa boqollaal kun oo kiisas oo xanuunka ah.

Illaa iyo hadda, in ka badan 226-kun oo qof ayuu cudurkan ku dilay Hindiya. Wuxuuna ku dhacay in ka badan 20 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here