Dowladda Japan oo joojisay talaalka COVID-19 ee Shirkadda Moderna

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dowladda Japan hakisay qaadashada tallaalka Moderna ee lagu farsameeyay gudaha dalka Maraykanka.

Moderna oo ah tallaal loogu talo galay in lagag hor tago fayraska dilaaga ah ee Covid-19 ayaa laga helay walxo madaw, sida ay sheegeen khubarada dalka Japan.

Walxo tiro badan oo madaw ayaa lagu dhex arkay tallaalka ay farsamaysay shirkadda Moderna, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka Japan.

Ku dhawaad 4000 oo qof ayaa nooca tallaalkan qaatay gudaha dalka Japan, balse inta hadhay ayaa laga joojiyay dadka in ay qaataan, illaa inta badqabkeeda laga hubinayo.

Shirkadaha dawooyinka ka shaqeeya ee tallaalka geeyay Japan ayaa illaa imika isku khilaafsan sababta dhabta ah ee keentay walxaha lagu dhex arkay tallalka Moderna.

Qaarkood ayaa qaba in walxahani ay kasoo raaceen xarun ku taala Spain, halkaas oo qay ahaan tallaalka lagu habeeyay xidhmooyinkiisa, balse weli lagama oga sababta dhabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here