Dowladda Itoobiya oo bilowday qorshe dadka iska baara karoona feryis natiijada loogu dirayo taleefoonnadooda

0
347

Baydhabo(Radio Arlaadi)- -Dowladda Itoobiya ayaa bilowday adeeg suurto gelinaya in qofka farriin ahaan loogu soo diro natiijada baaritaanka coronavirus.

Natiijada ayaa diyaar noqoneysa saddex saacadood kaddib markii qofka labaaro, sida uu sheegay agaasimaha Machadka Caafimaadka Bulshada Itoobiya Meseud Mohammed.

Nambarka gaaban ee 8335 ayaa laga soo diri doonaa farriimaha natiijada.

Dowladda ayaa ilaa iyo haatan fulisay 970,591 oo ah baaritaanka coronavirus.

Ilaa iyo 55,213 oo kiisaska xanuunka ah ayaa laga soo sheegay Itoobiya iyadoo 20,283 bukaan ay ka bogsadeen. Waxaa u dhintay 856 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here