Dowladda Giriigga oo go’aan ka gaartay qaabbilaadda muhaajiriinta dalal dhowr ah.

0
201

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Giriigga ayaa isbeddel xagga socdaalka ah kusoo rogtay dadka magangelyo doonka ah ee kasoo kala jeeda waddamada, Pakistaan, Suuriya, Afganistan iyo Bangaladhesh.

Dadkan oo intooda badan waddanka Giriigga uga tallaaba xadka uu la wadaaga Turkiga ayaa si sharci darra ah ku gala halkaas, iyagoo uga sii gudba dalalka kale ee Yurub.
Wasiirka muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka dalka Giriigga, Notis Mitarakis ayaa sababta ay musaafuriinta sharci darrada ah diiradda u saarayaan imaashiyaha Turkiga ku sheegay iyagoo u arka sida waddan kale oo ammaan u ah tahriibayaasha kasoo jeeda waddamadaas.

Dowladda Giriigga ayaa sheegtay in ay garwaaqsanayso inaysan imaashiyaha muhaajiriinta ee Turkiga khatar ku ahayn Jinsiyaddooda, Diintooda, muwaaddin-nimadooda ama siyaasadda ay aaminsan yihiin, balse ay ka cabsi qabaan inay Athnes marin u noqoto qul-qulka musaafuriinta sharci darrada ah iyo fal-dambiyeedyada shabakadaha wax tahriibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here