Dowladda Britain oo wada qorshe lagu ganaxayo shirkadda Tik-Tok ee laga leeyahay dalka shiinaha.

0
185

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Shirkadda Tik Tok ayaa wajahaysa ganaax lacageed oo dhan 27 Milyan oo pound kaddib markii sida la sheegay ay ku guul dareysatay inay ilaaliso xogaha gaarka ah ee carruurta isticmaala aaladdaasi.

Madaxa xafiiska war-faafinta Britain ayaa sheegay in aaladdan soo bandhigta muuqaalada ay ahayd inay xakameyso xogaha carruurta da’adoodu ay ka hooseyso 13 sano jir, iyagoo aanan wax fasax ah weydiisan.

Waaxda ayaa sheegtay inuu “digniin” u diray xafiiska Tik-tok-ga ay ku leeyihiin Britain.
Xafiiska war-faafinta Britain ayaa sheegay in arrintan socotay in kabadan laba sano, laga soo bilaabo bishii July sanadkii 2020-kii balse aanan weli waxba laga qaban, sidaas awgeedna, ay horseedi karto ganaax lacageed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here