Dowlada FS iyo dowlad goboleedyada oo aragti midaysan ka yeeshay yareynta dhoofinta dhuxusha

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shirka arimaha deegaanka ee dowlad goboleedyada iyo dowlada faderaalka  ee manta baydhabo kafurmay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada deegaanka  dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe, waxaana maamlaha uu socdo shirka loogo hadli doonaa joogtaynta yaraynta jarida dhirta,dhuxusha iyo abuurida nolol kale.

Wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa  Soomaaliya Xuseen Maxamed Xuseen oo garwadeen ka ahaa shirka ayaa kahadlay siyaasada wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ugu degsan jarida dhirta isagoona sheegay in wasaaradu ay uga talagashay  hal malyan oo geed si loo yareeyo nabaad guurka deegaanka.

Madaxweynaha koonfur galbeed  oo furay shirka ayaa  sheegay in ay mamnuuc tahay in lajaro dhirta isagoona balanqaaday in deeganada koonfur galbeed aan laga dhoofin doonin dhuxul.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweynaha KGS:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here