Doontii labaad oo muhaajiriin ku dhinteen maanta

0
164

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Lix qof ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah oo ku degtay marrinka badda ee iski xira Faransiiska iyo Ingiriiska.

Afhayeen u hadashay maamulka xeebaha Faransiiska Premar ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa shan ilaa 10 kale la la’yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Ilaalada xeebaha ee Britain iyo Faransiiska ayaa doonta ka soo badbaadiyay ku dhawaad 50 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Tiro dad ah ayaa la arkayay oo laga soo dajiyay doon badbaado oo kusoo xiratay dekadda magaalada Ingiriiska ee Dover, balse ma cadda inta uu la egyahay dhaawaca iyo tirada saxda ah ee guud ahaan dhimashada.

Saacadihii hore ee Sabtida, markab meesha marayay ayaa markii ugu horreysay ka qeylo dhaamiyay in doon ay ku dhibaataysan tahay xeebta magaalada Sangatte, oo u dhow Calais.

Doontii Faransiiska markii ay timid, waxay badda ka heleen dad badan. Doonta badbaadada ee Dover, oo horey ugu jirtay kanaalka oo la tacaaleysay doon kale oo tahriibayaal ah, ayaa ku biirtay howlgalka badbaadinta.

Qof isxilqaamay oo saarnaa mid ka mid ah doonyaha badbaadada, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muhaajiriintu ay isticmaalayeen kabo si ay uga badbaadiyaan biyaha doonta degtay.

Anne Thorel waxa ay sheegtay in ay “aad u badan yihiin” dadka doonta saarnaa.

Dacwad oogaha Faransiiska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qofka ugu horreeya ee dhintay uu ahaa nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo da’diisu u dhaxaysay 25 ilaa 30 jir.

Kooxaha samatabbixinta ayaa sheegay in tani ay tahay markii toddobaad ee toddobaadkan ay dadka ka soo saaraan biyaha.

Enver Solomon oo ah madaxa fulinta ee golaha qaxootiga ayaa uga mahad celiyay samatabbixiyaasha dadaalkooda balse waxa uu ku booriyay dowlada UK in ay ka shaqeyso abuurista “nidaam magangalyo oo hagaagsan oo bini’aadantinimo ku dhisan”.

Kanaalka Ingriiska waa mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan uguna mashquulka badan caalamka, waxaana maalin walba mara 600 oo booyadood iyo 200 oo doomood.

Isla maamnta goordhow waxaa sidoo kale xeebaha dalka woqooyiga Afrika ee Tunisia ku degtay doon ay saarnaayeen muhaajiriin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here