Dominik Szoboszlai Oo Qish Ka Bixiyey Waqtiga Uu Dhaawaca Kasoo Laabanayo

0
62

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dominik Szoboszlai ayaa qish ka bixiyey waqtiga uu kusoo laaban doono kooxdiisa Liverpool oo uu dhaawac muruqa ah kaga maqnaa tan iyo ciyaartii Newcastle United ee ay guusha 4-2 ah kasoo gaadheen maalintii sannadka cusub, taas oo garoonka uu ka baxay qaybtii labaad.

Kubbad-sameeyaha reer Hungary ayaa ka maqnaaday kulankii Arsenal ee FA Cup ee ay guusha 2-1 ah kasoo gaadheen Arsenal iyo guushii Fulham ee lugta hore ee semi-finalka Carabao Cup.

Tababare Jurgen Klopp oo ay kooxdiisa kusoo fool leeyihiin kulamo adag iyo jadwal cidhiidhi ah ayaa waxa uu ku ducaysanayaa in Dominik Szoboszlai uu si degdeg ah ugu soo kabto, inta ka horreysa kulamada Chelsea iyo Arsenal ee sanka kusoo haya.

Klopp ayaa hore u sheegay in Dominik Szoboszlai uu ka maqnaanayo labadii ciyaarood ee Arsenal iyo Fulham, laakiin waxa uu ka gaabsaday in uu jamaahiirta kooxdiisa la wadaago waqtiga soo-laabashada.

Si kastaba ha ahaatee, Dominik Szoboszlai oo la weydiiyey haddii uu taam u noqonayo ciyaarta Bournemouth ee Axadda ayaa ku jawaabay: “Waa suurtogal”.

Hadalkan ayaa farxad geliyey jamaahiirta Liverpool oo rumaysan in haddii uu kubbad-sameeyahani ka maqnaado ciyaarta Bournemouth ee Axadda, in uu soo noqon doono oo uu ciyaari doono kulanka lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee Fulham ee dhamaadka usbuuca dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here