Diyaarad Sidday 90 Ruux oo Ku Burtburtay Filibiin

0
209

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 17 ruux ayaa geeriyootay kaddib markii saaka ay burburtay diyaarad ay leeyihiin ciidamada milatariga Filibbiin.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay burburtay kaddib markii ay ka baxday dhabbaha ay diyaaraduhu ku cararaan ee garoon ku yaalla jasiiradda Jolo.

Warbaahinta Filibbiin oo soo xiganaysa abaanduulaha ciidamada dalkaas Cirilito Sobejana ayaa sheegtay in diyaaradda burburtay nooceedu ahaa C-130 ayna sidday ciidamo tababar soo dhamaystay.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in burburka diyaaradda ay ka soo badbaadiyeen 40 qof kuwaas oo lagu dabiibayo cusbitaalka milatariga Jolo.

Wasaaradda gaashaandhigga Filibbiin ayaa sheegtay in diyaaradda burburtay ay saarnaayeen 92 qof. Siddeed ka mid ah dadka saarnaa diyaaradda ayaa ahaa howlwadeennada diyaaradda halka inta kalena ay ahaayeen askar soo dhammaysatay gurmad qaran.

Kooxaha birmadka ayaa intii ay ku guda jireen gurmadka ayaa burburka diyaaradda ka soo saaray meydka 17 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here