Diyaar Garow Loogu jiro Soo dhoweynta Ciidul Fitriga iyo Suuqyada Baydhabo oo Mashquul Ah

0
400

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Soonka oo sii dhamaanaya ayaa waxaa soo carfaya ciidul fitri, waxaana laga dareemaya dhamaan suuqyada Magaalada Baydhabo ee qeybaha lagu gado dharka ee bacadlayaasha in dadka ay kusii badanayaan iibsiga dharka loogu ciidayo malinta ciida ah.

Bacadlayaasha ayaa laga dareemaya cariiri iyo mashquul farabadan ayadoo aad arkeynin ama aad heleynin meel aad kamarto, carruurta yaryar, dumarka iyo dadka weyn ayaa laga dareemaya in ay diyaargarow weyn ugu jiraan malinka ciida ah oo nooga harsantahay maalimo kooban.

Warkan waxaa inoo haya Bishaar Mayow Mukaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here