Diiq sababay geerida ninkii lahaa

0
392

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Diiq loo adeegsaday inuu la dagaallamo Diiq kale ayaa sababay inuu ninkii mulkiilaha ahaa uu mindi ku dhinto.

Mulkiilaha digaagga oo ah ninka dhintay ayay mindida ka gashay gumaarka xilli uu isku dayayey inuu joojiyo digaagga oo baxsanayey.
Ninka ayaa geeriyooday inta isbitaalka loo sii waday maadaamaa dhaawaca soo gaaray uu u dhiig baxay.

Booliska gobolka Tenagana ee dalka Hindiya ayaa haatan ku raad joogo 15 qof oo ka qayb qaatay tartanka Diiqa oo lagu qabtay tuulada Lothunur oo ah goobti uu shilkaasi ka dhacay toddobaadkan oo ka tirsan gobolka telangana ee dalka Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here