Diinta Islaamka Maxey Ka qabtaa Takoorka Ama Midib Naceybka, Iyadoo Maanta Dunida laga Xuseya Maalinta Takoorka Aduunka.

0
357

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Arimaha takoorka ama isir naceebka ayaa ah wax si aad ah dhibaato ugu ah dadka lagu takooro da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir iyo xirfad, sida quraanka kariimka lagu sheegay nabi aadan waxaa laga uumay caro wixii intaasi soo dhaafo waxaa laga uumay mino sidaasi darteen alle dhankiisa waa wax lag siman yahay.

Sheekh Aweys Cabdulaahi Ibraahim waxaa uu yahay agaasimaha xaruunta cilmi barista nabadda iyo daraasada amniga koonfur galbeed waxaa sharxaad kabixiyay diinka islaamka waxaa ay ka qabti dadka lamidib takooro, wuxuuna timaamay in waxa laleeyahay takoorka in aysan kujirin wax naxriista madaama qof oo dhan laga saraayo dadka kale oo si gooni ah loo heeb soo caayo.

In mudo ayaa soo jireen oo ilaa iyo hada ay taagan yihiin arintaani takoorka ah si loo xaliyo oo meesha looga saaro waxaa lasameeyay wacyi galino badan oo dhan weliba looga qeyb qaatay goobaha waxbarashada,shaqooyinka, culimada, dadka arimaha bini`aadinimada udoodo iyo dhanka dowlada sida uu qexaayo dastuurka KMG ah ee soomaaliya Qodobkiisa 11 Waxaa uu kahadlayaa sinnaanta.

Sheekh Aweys Cabdulaahi Ibraahim ayaa waxaa uu shegayaa si arintaasi takoorka ah loogu baxo in lagu dhaqmo hadii muslinimada ay dhab tahay alle iyo nabigiisa waxay kadhaheen in lacaqriyo oo laga dhabeeyo iyo maamulka in uu dembi ka dhigo midib sooca ciqaabna udejiyo.

Warbixintan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here