Digniin laga bixiyay gool ka baxsatay konteenar dalka Koonfur Afrika

0
150

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Booliska Koonfur Afrika ayaa shacabka uga digay gool ka baxsatay konteenar lagu hayay gudaha gobolka dhaca waqooy galbeed ee dalkaas.

Goosha ayaa baxsatay xilli ninkii lahaa uu ku siday baabuur xamuul ah.
Ma kala cadda sida ay ku baxsatay goosha.

Shaqaalaha seeraha iyo beeraleyda ayaa ku raad joogaa goosha baxsadka ah.
Booliska ayaa ugu baaqay shacabka haddii ay arkaan goosha inay ku wargeliyaan shaqaalaha seeraha.

Arrintan ayaa imaaneysaa markii bishii hore ay labo shabeel ah ka baxsadeen gobolka Guateng.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here