Digaagga lagu sameeyo sheybaar dhexdiisa oo la ansixiyay in la cuni karo.

0
192

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hilibka lagu sameeyo sheybaarka ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay in bani’aadamku cuni karo.

Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka Mareykanka (FDA) ayaa ansixiyay cunidda digaagga unugyadiisa lagu sameeyay sheybaarka, kaddib markii ay sameeyeen ‘qiimeyn laga baaraan degay’.

Digaaggan ayaa lagu sameeyaa taangiyo ay leedahay shirkadda Upside Foods, iyadoo la adeegsanayo unugyo laga soo dheegay digaag nool.

Waxay awoodi doonaan inay ka iibiyaan macaamiisha kaddib marka ay qiimeyn ku sameyso Waaxda Mareykanka ee Beeraha.

Saynisyahannada ayaa sheegay in cadaadiska saaran dhulka uu yaraan karo boqolkiiba 80, haddii cunno sidan oo kale ah la isticmaalo, marka loo barbardhigo hannaanka cuntada Yurub.

Hilibka lagu sameeyay sheybaarka ayaa la filayaa inuu mustaqbalka qabsado suuqyada hilibka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here