Diblomaasiyiinta gaari-gacmeedka uga dhoofay Kuuriyada Waqooyi

0
299

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Koox diblomaasiyiin u dhashay Ruushka iyo qoysaskooda ayaa ka safray Kuuriyada Waqooyi iyagoo isticmaalaya gaari gacmeed ka dib markii

Pyongyang ay soo rogtay tallaabooyin adag oo looga hortagaya xannuunka Covid19.Sideeddan qof ayaa markii hore isticmaalay tareen iyo bas si ay u gaaraan xadka Ruuhka uu la leeyahay Kuuriyada waqooyi ka hor inta aysan isticmaalin gaari yar oo ay gacanta ku riixayeen si ay uga tallaabaan xadka masaafo dhan 1 km.

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaddiday inta badan gaadiidka dadweynaha si loo yareeyo faafitaanka fayraska korona.

Dalkan ayaa ku doodaya in aan wali laga helin kiis fayraska korona ah, balse dadka darsa xaaladda dalkaasi ayaa shaki weyn ka qaba sheegashadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here