Dibadbaxyaasha oo weli ku sugan madaxtooyada iyo guriga madaxweynaha Sri Lanka

0
182

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dibadbaxyaasha Sri Lanka ayaa weli ku sugan dhismaha madaxtooyada, iyagoo sheegay inay halkaas joogi doonaan ilaa uu iska casilayo madaxweynaha Sri lanka oo laba maalmood ka cararay caasimada dalkaasi kadib markii dibadbaxayal ay weerareen madaxtooyada.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda dalka Sri Lanka oo ay dhaqaale xumi ka jirto.

IMF waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto la shaqaynta maamulka si ay Sri Lanka uga baxdo qalalaasaha dhaqaale ee ka jira.

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here