Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Philippines

0
188

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay waqooyiga dalka Philippines gaar ahaan jasiiradda Luzon.
Waxaa ku dhintay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 16 qof.

Guryo iyo dhismayaal badan ayuu burburiyay dhulgariirka.

Dhulgariirka waxaa sidoo kale laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Manila.

Madaxweynaha dalka Philippine, Ferdinand Marcos Junior, ayaa ku baaqay in sare loo qaado tallaabooyinka uu dalkiisa uga hortaggayo masiibooyinka kaddib dhulgariir ka dhacay waqooyiga dalkaasi oo ay ku dhinteen afar qof.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay ay burbureen waddooyin badan iyo dhismayaal, gaar ahaan gobolka Abra dhulgariirka ku dhuftay. Sidoo kale dhul go’ ayaa laga soo sheegaya halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here