Dhulgariir Ku Dhuftay Magaalada Melbourne

0
205

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dhulgariir ayaa gilgilay magaalada Melbourne ee gobolka Victoria oo dhaca koofurta Australia sida ay ku warrantay Geoscience Australia oo ka faalloota cimillada.

Hay’adda gurmadka degdegga ah ayaa iyana sheegtay in dhulgariirku cabbirkiisu ahaa 5.9 kaas oo xudduntiisu ahayd meel u dhow Mansfield ee gobolka Victoria.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhisme ku yaalla Melbourne oo burbur fududi soo gaaray sidoo kale laydhkii ayaa ka go’ay faras magaalaha Melbourne oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Australia.

Melbourne kama aanu dhicin dhul gariir sidan u xoog badan muddo tobannaan sano ah mana jiraan khasaare nafeed oo la soo tebiyay.

Dhulgariirka ka dhacay magaalada Melbourne oo ahaa mid xooggan ayaa laga dareemay meelo fog fog sida Adelaide oo 800 km u jirta Melbourne iyo Sydney oo 900 km u jirta.
Dulgariirkii ugu xumaa ee ka dhaca Australia inta la xusuusto ayaa ahaa midkii dhacay 1988-kii kaas oo ka dhacay gobolka waqooyi cabbirkiisuna ahaa 6.6.

Gobolka Victoria ayaa horay ula dhutinayay saamaynta xanuunka Covid-19 iyada oo laga diiwaangeliyay 30.224 xaaladood iyo in kabadan 830 geeri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here