Dhul gariirkii labaad oo maanta ku dhuftay Turkiga

0
224

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Dhul-gariirkii labaad oo cabirkiisu yahay 7.6 ayaa maanta ku dhuftay gobolka Koonfurta Beri ee Kahramanmaras ee dalka Turkey, waaa sidaas sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas (AFAD).

In ka badan 1,300 oo qof ayaa ku dhintay, kumanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariirkii koowaad oo ku dhuftay bartamaha Turkey iyo waqooyiga galbeed ee Syria.

Dhul-gariirkaas oo cabirkiisu ahaa 7.8, oo dhacay xilli aroor hore ah, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta Turkey. Waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon.

Shaqaalaha gurmadka oo ku shaqeynaya xaalad aad u qabow ayaa dadka iyo meydadka kasoo saaraya burburka oo ku baahsan gobollo badan.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in 912 qof ay dhinteen, 5,383 ay dhaawac yihiin, islamarkaana 2,818 dhisme ay ku burbureen dhul-gariirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here